Kulankii labaad ee dhexmaray Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharaa iyo dhigiisa Ruushka Vladimir Putin muddo saddex bilood gudahood ayaa muujiyay kalsooni korodhay iyo dadaal wadajir ah oo lagu xoojinayo dib u soo celinta xiriirka Xukuumadaha Dimishiq iyo Moscow. Kulankan ayaa ka duwanaa kii ugu horreeyay ee dhacay bishii Oktoobar, kaas oo diiradda saaray taariikhda xiriirka labada dal iyo dib u eegista xiriirka xilligii madaxweyne Bashar al-Assad, iyadoo hadda labaduba ay muujiyeen daganaan iyo isfaham dheeraad ah intii lagu guda jiray booqashada Sharaa ee Moscow.
Putin ayaa ku qaabilay Sharaa xaruunta Kremlin-ka isaga oo ay weheliyeen wafdi heer sare ah oo Ruush ah, isla markaana amaanay guulaha hoggaanka al Sharaa uu ku soo celinayo Suuriya cusub, mideynta dalka, iyo fidinta xukunka dowladda dhulka oo dhan. Sharaa ayaa isna bogaadiyay doorka firfircoon ee Ruushka uu ku leeyahay ilaalinta xasiloonida Suuriya.
Madaxweyne Putin ayaa hambalyo u diray Sharaa isagoo tilmaamay in horumarka ciidamada dowladda ee waqooyi-bari Suuriya uu yahay talaabo muhiim ah oo lagama maarmaan u ah dib u soo celinta midnimada dhuleed ee Suuriya. Waxaa uu sheegay in Ruushka si dhow ula socdo dadaallada Suuriya ee ku aaddan xaqiijinta xukunka dhuleed ee dalka.




