DHEGEYSO:Sakaja oo amray in la bilaabo howlgal ka dhan ah dhismayaasha sharci-darrada ah nairobi

0
104

Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi, Johnson Sakaja, ayaa ku dhawaaqay in magaalada oo dhan laga bilaabayo howlgallo ka dhan ah dhismayaasha sharci-darrada ah, kaddib markii la xaqiijiyay in dhismihii ku dumay xaafadda Eastleigh uusan haysan oggolaanshaha dhismaha.
Sakaja ayaa sheegay in diiwaannada dowladda hoose ay muujinayaan in codsi lagu doonayay in lagu dhiso dhisme ka kooban 15 dabaq iyo dabaq hoose aan marnaba la ansixin.
Guddoomiyaha ayaa hadalkan ka sheegay goobta uu dhismuhu ku dumay, isaga oo xusay in codsiga uu gudbiyay horumariyaha dhismaha, John Mutia Musyoke, balse aan la siin oggolaanshaha loo baahnaa.
Wuxuu caddeeyay in oggolaansho la xiriira beddelka isticmaalka dhulka la bixiyay sannadkii 2024-kii, hase yeeshee codsigii dambe ee dhismaha aan la ansixin.
Sakaja ayaa dalbaday in baaritaan lagu sameeyo dhammaan xirfadlayaashii ku lug lahaa mashruuca, oo ay ku jiraan naqshadeeyaha dhismaha, qorsheeyaha dhulka iyo shirkadda injineernimada, si loo ogaado sida dhismuhu ku socday iyada oo aan la haysan oggolaanshaha sharciga ah.
Wuxuu sheegay in guddiga qorsheynta magaalada uu bishii Nofeembar ee sannadkii 2024 walaac ka muujiyay qorshaha dhismaha dabaq hoose iyo dukaamo ku yaalla dabaqa dhulka, balse dhismuhu uu sii socday, taas oo keentay in horraantii sannadkan la soo saaro amar fulineed.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in in ka badan 200 oo galal oo la xiriira dembiyada dhismaha ay weli yaallaan xafiiska Agaasimaha Dacwad-oogista Guud, taas oo uu sheegay inay dib u dhigeyso tallaabooyinka sharciga ah ee laga qaadayo dadka ku xadgudba xeerarka dhismaha.
Wuxuu ku baaqay in dowladda hoose dib loogu soo celiyo awoodda dacwad-oogista, isaga oo ku dooday in nidaamka hadda jira uu caqabad ku yahay tallaabo degdeg ah oo laga qaado dadka dhismayaasha sharci-darrada ah wada.
Sakaja ayaa ka digay in maamulka magaalada uu joojin doono dhismayaasha sharci-darrada ah, isla markaana la dumin doono kuwa lagu go’aamiyo inay mudan yihiin in la saaro, iyadoo la raacayo habraacyada sharciga.
Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyay in dukumentiyada la xiriira dhismaha dumay loo gudbiyay booliiska iyo waaxda dambi-baarista dalka ee DCI-da, isaga oo ka dalbaday inay si degdeg ah u baaraan dhacdada, isla markaana lala xisaabtamo cid kasta oo lagu helo mas’uuliyad.
Wuxuu sheegay in cid kasta oo arrintan ku lug yeelatay, ha ahaato shaqaale ka tirsan dowladda hoose ama dowladda dhexe, laga doonayo inay ka jawaabto doorkeeda.
Sidoo kale, Sakaja ayaa walaac ka muujiyay faragelinta siyaasadeed ee lagu sameeyo fulinta shuruucda dhismaha, isaga oo carrabka ku adkeeyay in badbaadada shacabka laga hormariyo dano gaar ah iyo xiriirro siyaasadeed.
Dhanka kale, Sakaja ayaa sheegay in maamulka magaalada Nairobi uu goobta dhismaha ku dumay geeyay qalab culus oo ay ka mid yihiin cagafyada qodista dhulka iyo gaadiidka qaada qashinka, kuwaas oo laga soo kala diray meelo kala duwan oo magaalada ah si ay uga qeyb qaataan howlaha samatabixinta.
Wuxuu sheegay in tirinta shaqaalihii dhismaha ka shaqeynayay ay fududaatay, maadaama horjoogaha shaqadu uu aqoonsan karay dadkii maalintaas shaqada yimid.
Xilliga uu hadalka jeedinayay, waxaa la diiwaangeliyay 67 qof oo shaqaale ahaa, halka tirada la xaqiijiyay ay ahayd 66, waxaana weli la raadinayay hal shaqaale.
Hase yeeshee, ayuu sheegay in tirinta ganacsatada ay adkayd, iyadoo maamulka magaalada uu xog ka ururinayay Laanqeyrta Cas ee Kenya, qoysaska iyo dadka diiwaangelinaya ehelladooda la la’yahay.
Guddoomiyaha ayaa shacabka Kenya ugu baaqay inay sii taageeraan howlgalka samatabixinta ee ay iska kaashanayaan hay’adaha kala duwan.
Wuxuu xusay in mudnaanta koowaad ay tahay badbaadinta dadka ku xanniban burburka, balse ay sidoo kale muhiim tahay in cidda mas’uulka ka ah dhacdada lala xisaabtamo, lana xoojiyo kormeerka dhismayaasha si looga hortago musiibooyin kale oo la mid ah.
Dhinaca kale mid ka mid ah ehelada qof lagu la’yahay dhismaha dumay ayaa warbaahinta uga warbixiyay xaaladooda sida ay tahay iyo hawlgalka socda.

Iyadoo la sheegay in 7 qof oo kali ah lagu la’yahay dhismaha burburay haddana waxaa goobta samatabixinta tagay qoysas sheeganaya in ay ka maqan yihiin dad kor u dhaafaya 30 ruux sida ay sheegtay hay’adda laanqeyrta cas ee Kenya.