Duufaanta Champi oo Taiwan ku dishay hal qof, in ka badan 500 kalena ku dhaawacday

0
118

Duufaanta xooggan ee Champi ayaa ku dhufatay jasiiradda Taiwan, halkaas oo ay ku dishay hal qof, in ka badan 500 oo kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo mas’uuliyiintu ay dadka uga digeen dabaylo burbur xooggan geysan kara, isla markaana ku amreen inay guryahooda ku nagaadaan.
Duufaanta ayaa soo martay waqooyi-bari ee jasiiradda, iyadoo dhulka ku ridday geedo, sababtay fatahaado muddo kooban socday, waxyeello gaarsiisay khadadka korontada, isla markaana ku khasabtay in in ka badan 5,000 oo qof laga daadgureeyo guryahooda.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in shaqaalaha gurmadka loo diray Sabtida si ay korontada ugu soo celiyaan ku dhowaad 56,000 oo qoys oo weli koronto la’aan ahaa. Inta badan goobaha ganacsiga ee waqooyiga iyo bartamaha Taiwan ayaa maalintii labaad xirnaa, iyadoo duufaantu ka sii fogaanaysay waqooyi-bari ee jasiiradda, una sii jeedday dhanka waqooyi.
Duufaanta Champi ayaa hadda ku sii jeedda dalalka Shiinaha iyo Japan, iyadoo sababtay in la baajiyo duulimaadyo ka dhici lahaa gobolka.
Wasaaradda Gaadiidka iyo Isgaarsiinta ee Taiwan ayaa sheegtay in la baajiyay 259 duulimaad, waana tiro ka yar tii Jimcihii, markaas oo ku dhowaad kun duulimaad la baajiyay.
Champi ayaa muddo kooban gaartay heerka duufaan aad u xooggan, iyadoo dabaylaheedu ku dhowaadeen 300 oo kiiloomitir saacaddii, balse markii dambe ay xooggeedu yaraaday.
Xarunta Mareykanka ee la socota duufaannada ayaa sheegtay in xawaaraha dabayluhu gaarayeen 185 kiiloomitir saacaddii.
Hay’adda saadaasha hawada ee Taiwan ayaa ka digtay in roobab kale oo xooggan ay da’i karaan, iyadoo sheegtay in duufaantu keeni karto ilaa 900 oo milimitir oo roob ah muddada u dhexeysa Khamiista iyo Sabtida. Waqooyi-bari ee jasiiradda ayaa la filayaa inuu noqdo deegaanka ugu daran ee ay saameyso.
Gobolka Yilan ayaa Jimcihii laga diiwaangeliyay roob gaaraya in ka badan 400 oo milimitir, halka magaalada Yilan ay heshay roob dhan 650 milimitir tan iyo Khamiistii.
Saadaaliye ka tirsan hay’adda saadaasha hawada ee Taiwan, Lu Kuo-chen, ayaa sheegay in duufaantu ay gaabis ku sameyn karto agagaarka cirifka waqooyi-bari ee jasiiradda, taasoo sii dheereyn karta muddada ay saameyn ku yeelanayso dadka iyo deegaannada ku dhow.