DHEGEYSO:Hawlgallada samatabbixinta dhismaha ku dumay Islii oo galay maalintii saddexaad

0
66

Hawlgallada lagu baadigoobayo dadka ku hoos jira burburka dhisme ku dumay xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi ayaa galay maalintii saddexaad, iyadoo weli la la’yahay dad badan.
Kooxaha gurmadka ayaa sii wada baaritaanka burburka dhismaha, halka qoysaska dadka la la’yahay ay weli ku sugan yihiin goobta, iyagoo rajaynaya in ehelkooda nolol lagu helo.
Wararka rasmiga ah ayaa sheegaya in laba qof laga soo badbaadiyay burburka fiidnimadii xalay, taasoo rajo cusub gelisay qoysaska weli sugaya war ku saabsan dadka la la’yahay.
Mid ka mid ah qoysaska dhibanayaasha dhismaha ku dumay ee xaafadda islii ayaa dowladda ka codsanaya in ay dardargaliso hawlaha samatabixinta.