Digniin loo diray dadka shaqooyinka ka raadinaya dalalka dibadda

0
50

Dadka ku nool magaalada Garissa iyo guud ahaan dalka ayaa looga digay inay ka feejignaadaan khiyaanooyinka, tahriibinta dadka iyo tacaddiyada ay la kulmi karaan marka ay raadinayaan shaqooyin dalalka kale.
Digniintan ayaa timid iyadoo waalidiinta iyo macallimiinta magaalada Garissa ay walaac ka muujinayaan maqnaanshaha carruurta iyo dhallinyarada qaarkood, kuwaas oo looga shakisan yahay in shabakad dadka tahriibisa ay afduubato, kaddibna ay madax-furasho ka dalbato qoysaskooda.
Wararka ayaa sheegaya in shabakaddan ay carruurta iyo dhallinyarada dalka uga tahriibiso waddanka Suudaan, iyadoo sii marsiisa dalka Liibiya, halkaas oo loogu ballanqaado in loo gudbin doono Yurub si ay uga helaan fursado shaqo oo wanaagsan.
Dadka ugu badan ee la beegsado ayaa la sheegay inay yihiin dhallinyaro raadinaya nolol dhaqaale oo ka wanaagsan tan ay hadda ku nool yihiin, balse ugu dambayn gacanta u gala kooxaha dadka tahriibiya iyo ururrada dembiilayaasha ah.
Anne Mruche, oo ah ku-xigeenka agaasimaha waaxda dowladda ee arrimaha qurbo-joogta, ayaa arrintan ka hadashay kulan wacyigelin ah oo barnaamijka Kazi Majuu loogu qabtay ardayda iyo dhallinyarada Jaamacadda Garissa.
Waxay ku boorrisay dadka shaqooyinka raadinaya inay si wanaagsan u hubiyaan hay’adaha shaqaaleysiinta iyo wakiillada u ballanqaadaya inay shaqooyin uga helayaan dibadda, si aysan ugu dhicin dabinno sharci-darro ah.
Mrs Mruche ayaa uga digtay dadka inay la macaamilaan wakiillo aan ruqsad haysan.
Waxay sidoo kale carrabka ku adkeysay in dadka aanay dalka uga bixin shaqooyin dibadeed iyaga oo aan haysan heshiis shaqo oo cad iyo fiisaha ama oggolaanshaha shaqada ee loo baahan yahay.
Waxay sheegtay inay muhiim tahay in qofku fahmo xuquuqdiisa isla markaana uu xaqiijiyo ka hor inta uusan safarka gelin.
Dhanka kale, dhallinyarada kulanka ka qaybgalay ayaa lagu wacyigeliyay barnaamijyada taageera qurbo-joogta, fursadaha shaqo ee dibadda, daryeelka iyo xuquuqda shaqaalaha, iyo fursadaha maalgashi ee dalkooda hooyo.
Waxaa sidoo kale looga digay inay dalka uga baxaan waddooyinka tahriibka ama ay basas ku maraan dalalka deriska ah iyaga oo doonaya inay halkaas uga sii gudbaan dalal kale.