Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa bilaabay safar horumarineed oo afar maalmood ah oo uu ku marayo gobolka Ukambani, kaas oo diiradda lagu saarayo dhismaha waddooyinka, biyo-gelinta iyo gaarsiinta korontada deegaannada gobolkaas.
Safarka ayaa ka bilaabmay Sabtidii deegaanka Mbiuni ee deegaanka doorashada Mwala, ismaamulka Machakos, halkaas oo madaxweynuhu uu daah-furay wejiga labaad ee mashruuca biyo-gelinta ee Mwala Cluster Last Mile.
Mashruucan ayaa la filayaa inuu biyo gaarsiiyo 120 kun oo qof oo ku nool deegaannada Mwala, Makutano, Masii, Kivandini, Wamunyu, Kathama, Oldonyo Sabuk, Mbiuni, Mbaani, Kilembwa iyo Kyawango.
Isaga oo ka hadlayay munaasabadda daah-furka mashruuca, Madaxweyne Ruto ayaa ballanqaaday in dowladdiisu ay wax ka qaban doonto biyo-yaraanta soo noqnoqotay ee ka jirta gobolka Ukambani.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladda ay qorsheyneyso dhismaha laba biyo-xireen oo waaweyn si loo wanaajiyo helitaanka biyaha, loona daboolo baahida dadka deegaanka.
Ruto ayaa sidoo kale meesha ka saaray sheegashooyinka ah in gobolka Ukambani laga takoorayo mashaariicda horumarineed sababo la xiriira mowqifkiisa siyaasadeed.
Wuxuu sheegay in aanay jirin deegaan Kenya ka tirsan oo laga reebi doono horumarka, isaga oo xusay in siyaasaddii ku dhisnayd qabyaaladda iyo takoorku aanay meel ku lahayn dalka.
Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in Machakos uu qayb ka yahay Kenya, sidaas darteedna uu xaq u leeyahay inuu helo qaybtiisa caddaaladda ah ee mashaariicda horumarineed, oo ay ku jiraan waddooyinka laga dhisayo guud ahaan dalka.
Safarka afarta maalmood ah ayaa ku baahsan ismaamullada Machakos, Makueni iyo Kitui, iyadoo mashaariicda waddooyinka, biyaha iyo korontadu ay ka mid yihiin waxyaabaha ugu waaweyn ee lagu qorsheeyay socdaalka madaxweynaha.




