DHEGEYSO:Madaxweynaha dalka oo difaacay saamiga Dangote ee KPC

0
57

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa difaacay saamiga uu bilyaneerka u dhashay waddanka Nigeria , Aliko Dangote ka iibsaday shirkadda dhuumaha shidaalka ee Kenya Pipeline Company (KPC).
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in heshiiska iibinta saamiga uu yahay mid ay dhaqaale ahaan ka faa’iidayaan rayidka.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa tilmaamay in shakhsiyaadka arrintan dhaliilsan ay yihiin kuwo doonayey in halkii saami ee KPC lagu iibiyo 5 shilin balse ay dowladdu qiimahaasi ka dhigtay 9 shilin.
Madaxa xisbiga People’s Party of Kenya ahna xildhibaanka deegaanka Kiharu ee ismaamulka Murang’a Ndindi Nyoro ayaa su’aal geliyey geeddisocodkan.
Hasa ahaate madaxweyne William Ruto oo dhaliisha loo jeediyey maamulkiisa ka jawaabayey ayaa yiri.

Waxaa uu dhanka kale musharraxiinta xilalka kala duwan kula taliyey inay qorsho cad la yimaadaan.
Ruto ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadka xilalka doonaya ay keliya sida uu hadalka u dhigay meelaha ka qaylinayaan balse aynan shacabka u hayn istaraatiijiyad horumarineed.
Madaxweynaha ayaa intaasi raaciyey inuu u muuqdo mid ku jeesjeesaya hoggaamiyaasha mucaaradka balse aynan sidaasi ahayn oo uu tilmaamaya keliya.