Madaxweynaha dalkani Kenya William Ruto ayaa maanta difaacay isbeddellada la soo jeediyey ee xeerka doorashooyinka isagoo sheegay in hoggaamiyaasha mucaaradka ay dadweynaha gaar ahaanna dhallinyarada ku marin habaabinayaan tebinta tooska ah ee natiijada doorashada.
Xilli uu ku sugnaa kaniisadda AIC Kasina ee magaalada Mwingi ayuu Ruto caddeeyay in hindise sharciyeedka isbeddelka xeerka doorashooyinka ee Elections Amendment Bill 2024 uunan sinnaba u saameynayn tebinta tooska ah ee natiijada doorashada.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay tahay xaq uu leeyahay muwaadin kasta .
Hoggaamiyaha qaranka ayaa intaasi ku daray in ay jiraan shakhsiyaad faafinaya dayaacad la xiriirta xeerarka codeynta oo ku andacoonaya in la mamnuucaya tebinta tooska ah ee natiijada balse arrintaasi aynan maangal ahayn.
Maalmo ka hor ayey ahayd markii baarlamaanka dalka uu meel mariyey isbeddel guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha waddanka ee IEBC looga doonaya inuu qaab elektooroonik ah u gudbiyo natiijada doorashooyinka labo saacadood gudahooda marka looga dhawaaqo goobaha codbixinta.
IEBC ayaa waxaa qasab ku ah in ay sababaha caddeyso haddii aan natiijada doorashada muddadan gudaheeda loogu dirin goobaha tirinta codadka ee deegaannada iyo midda heerka qaran ah, musharraxiinta ama wakiilladooda iyo kormeerayaasha codeynta.
Madaxweyne William Ruto ayaa mas’uuliyiinta ku boorriyey inay joojiyaan in dhallinta ay ku abaabulaan dibadbaxyo isagoo dadweynaha kula taliyey inay marka hore fahmaan isbeddellada ka hor inta aynan ka soo horjeedsan.
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo beeniyey in la mamnuucaya tebinta tooska ah ee natiijada...




