Isbahaysiga Sacuudiga oo sheegay inuu gantaal Xuutiyiintu soo rideen ku burburiyay cirka Riyadh

0
49

Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa sheegay inuu dhexda ku qabtay isla markaana burburiyay gantaal nooca ballistic-ga ah oo ay Xuutiyiintu ku soo rideen magaalada Riyadh ee caasimadda Sacuudiga.
Dhanka kale, kooxda Xuutiyiinta ee taageerada ka hesha Iiraan ayaa dadka safarka ah uga digtay inay isticmaalaan garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Riyadh, iyagoo ku tilmaamay bartilmaameed milatari oo aan ammaan ahayn.
Digniinta Xuutiyiinta ayaa timid iyadoo xiisadda u dhexeysa kooxda iyo Sacuudigu ay weli taagan tahay.