DHEGEYSO:Shaqaalaha fayadhowrka oo hakiyey shaqo joojinta

0
102

Shaqaalaha caafimaadka dadweynaha ama fayadhowrka ayaa ka dib 94 cishe soo afjaray shaqo joojin ay ku guda jireen.
Waxay sheegeen inay muddo 30 cishe ah hakinayaan shaqo joojinta si fursad loo siiyo wada hadallada kala dhexeynaya dowladda.
Tani ayaa timid ka dib markii wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Aadan Barre Ducaale uu oggolaaday wada hadallo xal-raadin ah.
Waxaa hakinta shaqo joojinta ismaamulka Kitui ku shaaciyey Xoghayaha Guud ee Ururka howlwadeennada caafimaadka deegaanka iyo fayadhowrka ee dalka Brown Ashira.
Xoghayaha ayaa xubnaha ururkan ugu baaqay inay shaqooyinkooda dib ugu laabtaan 24 saacadood gudaheeda.
Dhanka kale , daneeyayaasha arrimaha caafimaadka ee gobollada Galbeedka iyo Nyanza ayaa sare u qaaday dadaallada dalka looga ciribtirayo cudurka dabeysha ee Polio.
Waxay sheegeen inay jiraan caado-dhaqameed weli caqabad ku ah la dagaallanka cudurka dabeysha iyo saameyntiisa.
Qaar ka mid ah dadka uu saameeyay cudurka dabeysha ayaa waalidiinta ku boorriyey inay carruurtooda fursad u siiyaan helidda tallaalka .