KNEC oo u digtay cid kasta oo damacsan xatooyada imtixaanaadka

0
67

Madaxa fulinta ee golaha imtixaannada qaran ee (KNEC) David Njeng’ere ayaa ardayda sanadkan 2026-ka u fadhiisanaya imtixaannada qaran iyo siyaabaha kala duwan ee qiimeynta uga digay inay isku dayaan wax isdaba marin.
Bayaan uu maanta soo saaray ayuu ku sheegay in ardayda laga doonayo inay ku kalsoonaadaan awooddooda iyo diyaar garowga ay sameeyeen.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in cidii khiyaano ku lug yeelata ay wajihi doonto ciqaabo adag oo ay ka mid tahay in waxba kama jiraan laga soo qaado natiijadeeda.
Madaxa fulinta ee golaha KNEC ayaa sidoo kale ardayda iyo saraakiisha imtixaanka maareynaya uga digay inay taleefoonnada gacanta la galaan gudaha xarumaha imtixaanaadka lagu sameynaya.
Waxaa uu amar ku bixiyey in dhammaan taleefoonnada la demiyo oo la dhigo meel ka baxsan goobta uu imtixaanku ka socdo.
Waxaa sanadkan imtixaanka fasalka 4-aad ee dugsiga sare ee KCSE-da iyo qiimeynta kale ee KPSEA, KILEA, KJSEA, KPLEA sameynaya arday dhan 3,634,846 .
In ka badan 2.4 milyan oo arday ah ayaa Isniinta billaabaya imtixaannada KPSEA iyo KJSEA ee ardayda Grade 6 iyo Grade 9 halka KILEA ay u fadhiistaan ardayda qabo baahiyaha gaarka ah.
Imtixaannadan ayaa socon doono 5 cishe waxayna billaabanayaan abbaare 8:30 subaxnimo ee Isniinta.