Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Mr. Kipchumba Murkomen ayaa saraakiisha ammaanka iyo dadweynaha kula taliyay in ay si wanaagsan u wada macaamilaan.
Waxaa uu soo jeediyay in booliiska iyo rayidka uu ka dhexeeyo xiriir ku saleysan kalgacayl iyo isu naxariisasho.
Murkomen ayaa sheegay in loo baahan yahay in ciidamada iyo kenyaanka ay isa siiyaan xita biyaha iyo cuntooyinka.
Waxaa uu dhanka kale xusay in dowladdu ay ka go’an tahay wanaajinta xaaladaha ay ku shaqeeyaan saraakiisha maamulka iyo ciidamada ammaanka si gaar ah kuwa ka howlgalo deegaannada fogfog.




