DHEGEYSO:Dowladda oo dib u eegis ku sameyn doonto bandowga Turkana

0
668

Dowladda dhexe ee dalka ayaa shaacisay inuu jiro qorsho dib u eegis loogu sameynaya bandow shaqeeya inta u dhexeysa 6-da aroornimo ilaa 6-da maqribnimo kaasi oo saddexdii sano ee la soo dhaafay ka jiray aagga Kainuk ee ismaamulka Turkana.
Waxaa sidatan sheegay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Mr.Kipchumba Murkomen ka dib markii uu guddiyada ammaanka ee ismaamulkaasi iyo gobolka Rift Valley uu la qaatay shir ay albaabadu u xirnaayeen.
Waxaa uu wasiirka sheegay in hadda xaalad xasillooni ah laga dareemaya meelo ay horay amni darro u saameysay oo hoos taga deegaannada Bariga iyo Koonfurta Turkana.

Wasiirka ayaa saraakiisha maamulka ee dowladda dhexe faray in ay xaqiijiyaan in dhammaan shacabka ku nool Turkana ay helaan aqoonsiga qaran si ay uga faa’iidaystaan adeegyada dowladda oo ayna doortaan hoggaamiyaasha ay ku kalsoon yihiin waxqabadkooda.

Dhanka kale , dowladda ayaa sheegtay in aynan weli xaqiijin tirada rasmiga ah ee dadkii ku dhintay weerarkii Todonyang iyo tirade shakhsiyaadka ilaa iyo hadda la la’yahay .
Bishii Labaad ee sanadkan ayay ahayd markii maleeshiyaad laga shakiyay in ay ka soo gudbeen dhanka dalka Itoobiya ay harada Lake Turkana ku dileen kalluumeysato.