DHEGEYSO:Labo carruur ah oo ku dhintay dab saameeyay gurigooda oo ku yaalla Mathira

0
622

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada labo carruur ah oo ay da’doodu tahay 4 sano iyo 8 sano ka dib markii uu gubtay gurigooda oo ku yaalla tuulada Mutitu ee deegaanka Mathira , ismaamulka Nyeri.
Meydadka carruurta ayaa la arkay ka dib markii ay dadweynaha iyo saraakiisha waaxda dab damiska ku guulaysteen in ay dabka damiyaan.
Ilaa iyo hadda lama ogaan sababtii keentay in hooyga qoyskaasi uu gubto abaare 7:30 fiidnimo .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dabka uu ka billowday mid ka mid ah qolalka jiifka oo ay ubadka geeriyooday hurdayeen.
Dabka ayaa si xowli ah ugu faafay guriga ka hor inta aynan goobta soo gaarin saraakiisha dab damiska.
Waxaa warbaahinta la hadlay mid ka mid ah ehellada qoyskaasi iyo xildhibaanka deegaanka Mathira Eric Wamumbi oo ballan qaaday in dowladdu ay caawin doonto reerkaasi uu guriga ka gubtay.

Hooyada dhashay labada canug ayaa la sheegay in markii ay arrintan dhacaysay ay soo booqanaysay qof xanuunsan.
Meydadka carruurta ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka degmada Karatina .