DHAGEYSO:Ruto oo mushaarka guud ku kordhiyay 12 boqolkiiba

0
205

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ku dhawaaqay kordhin mushahar oo dhan 12 boqolkiiba guud ahaan shaqaalaha, iyo 15 boqolkiiba oo gaar u ah shaqaalaha beeraha. Tallaabadan ayaa lagu sheegay mid lagu yareynayo culayska ka dhashay sare u kaca qiimaha nolosha.
Ruto ayaa tilmaamay in go’aankan uu muujinayo sida ay dowladda uga go’an tahay horumarinta nolosha shaqaalaha iyo la tacaalidda cadaadiska dhaqaale ee saameeyay qoysaska bilihii u dambeeyay.
Dhankiisa, Xoghayaha Guud ee Ururka Dhexe ee Shaqaalaha dalka ee COTU, Francis Atwoli, ayaa sheegay in ururrada shaqaalaha ay dalbanayaan kordhin mushahar oo ka sarreysa tan la shaaciyay, si loo daboolo kororka qiimaha shidaalka, gaadiidka, cuntada iyo badeecooyinka aasaasiga ah. Waxaa uu soo jeediyay in ugu yaraan 23 boqolkiiba la kordhiyo mushaharka ugu yar.
Dabaaldegyada Maalinta Shaqaalaha ee sanadkan ayaa leh ahmiyad gaar ah, maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee mas’uuliyiin dowladeed, hoggaamiyeyaasha shaqaalaha iyo shaqaale kala duwan ay ku kulmaan meel ka baxsan caasimadda, si loo muujiyo midnimo iyo qadarin loo hayo xoogga shaqaalaha dalka.
Dhanka kale hoggaamiyaha qaranka ayaa ku dhawaaqay dhimista lacagta hormariska ah ee looga baahan yahay guryaha qorshaha guryeynta la awoodi karo. Shaqaalaha mushaharka qaata ayaa hadda bixinaya 5 boqolkiiba qiimaha guriga, halkii ay hore uga ahayd 10 boqolkiiba, si loo fududeeyo helitaanka guryaha.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay Ururka Dhexe ee Shaqaalaha ee COTU iyo ururrada hoos yimaada in ay dhiirrigeliyaan xubnahooda si ay iskaga diiwaangeliyaan barnaamijka Boma Yangu una codsadaan qaybaha guryaha ee la heli karo. Waxaa uu xusay in dacwadaha shaqaale ee aan weli loo adeegin la soo gudbin karo si xal degdeg ah loogu helo, isagoo sidoo kale uga mahadceliyay shaqaalaha taageerada ay siiyeen barnaamijyada isbeddelka ee dowladda, sida guryeynta, waxbarashada iyo caafimaadka.