Golaha Sare ee Muslimiinta ee(SUPKEM) ayaa si adag u cambaareeyay rabshadaha sii kordhaya ee ka socda waddada Mwingi iyo Gaarisa, iyagoo ka digay in weerarrada aargudashada ah iyo hadallada kicinta ah ee siyaasadeed ay hurinayaan xaalad amni darro oo khatar ah oo halis gelinaysa shacabka aan waxba galabsan. Guddoomiyaha Qaranka ee golaha, Sheekh Xasan Ole Naado, ayaa muujiyay walaac weyn oo ku saabsan sida ay u sii xumaanayso amniga waddadan muhiimka ah ee isku xirta bulshooyinka ku kala nool ismaamullada Kitui iyo Gaarisa.
Waxaa uu sheegay in xaaladda aysan heerkan gaari lahayn haddii mas’uuliyiinta ay khusayso oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaasha bulshada, kuwa siyaasadda iyo saraakiisha dowladda ay muujiyeen mas’uuliyad iyo xakameyn. Golaha ayaa sidoo kale cambaareeyay dilka sharci darrada ah ee nin dhallinyaro ah loogu geystay magaalada Gaarisa oo uu fuliyay askari booliis ah, iyagoo ku tilmaamay fal aad looga xumaado oo ka hor imanaya sharciga iyo diinta Islaamka.
Golaha ayaa ka digay isku day kasta oo dhacdadan loogu rogo colaad u dhexeysa bulshooyin ama diimo, isagoo xusay in arrintaas ay tahay mid marin habaabin ah oo halis sii kordhin karta. Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in eedeynta guud ee bulsho dhan ay keeni karto xiisad sii kororta, halka weerarrada aargudashada ah ay sii xumeeyeen amniga waddada, iyadoo dadka rayidka ah ay yihiin kuwa ugu badan ee dhibaatada gaarto, xitaa carruurta ku sii jeeda iskuullada.
SUPKEM ayaa sidoo kale dhaliilay hadallo kicin ah oo ka soo yeeray qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha, kuwaas oo la sheegay in ay sii hurinayaan qalalaasaha. Golaha ayaa ugu baaqay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Adeegga Qaran ee Booliiska in si degdeg ah loo soo celiyo amniga waddada, loona xaqiijiyo badbaadada dadka iyo gaadiidka. Waxaa kale oo ay dalbadeen in tallaabo sharci ah laga qaado askarigii ku lugta lahaa dilka, iyo cid kasta oo ku kacday kicin rabshado, iyagoo adkeeyay in caddaaladda aysan kaliya dhicin, balse sidoo kale la arko.




