15 qof oo looga shakisan yahay inay yihiin xubno burcad ah oo lagu qabtay Kisumu

0
80

Baarayaal ayaa Ismaamulka Kisumu ku qabtay 15 qof oo looga shakisan yahay inay xubno ka yihiin koox burcad ah, kaddib howlgal wadajir ah oo lagu qabtay hub fudud oo halis ah oo laga helay gaadiid ay la socdeen.
Aggaasinka dambibaarista DCI ayaa sheegay in howlgalka la qaaday kaddib markii ay heleen xog sirdoon oo tilmaamaysay in koox looga shakisan yahay inay hub fudud wataan ay saddex gaari ku safrayeen waddada xiriirisa Kisumu–Kericho.
Eedeysanayaasha waxaa lagu qabtay gaari Toyota Noah ah oo midabkiisu grey yahay iyo laba gaari oo Toyota Hiace ah oo caddaan ah.
Labada Hiace waxay hoos yimaadeen shirkad gaadiid dadweyne oo ka shaqaysa waddada Kisumu–Migori.
Baarayaashu waxay baareen gaadiidka iyo eedeysanayaasha, waxaana laga helay dhowr taleefan oo gacanta ah iyo hub noocyo kala duwan ah.
Waxyaabaha la qabtay waxaa ka mid ahaa baangado, mindiyo, xargo, bir iyo agab kale oo baarayaashu uga shakiyeen in loo adeegsan lahaa falal dambiyeed.
DCI ayaa sheegtay in mid ka mid ah eedeysanayaasha oo la rumeysan yahay inuu hoggaaminayay kooxda uu baxsaday intii uu howlgalka socday.
15-ka qof ayaa lagu xiray saldhigga booliiska, iyadoo waxyaabihii lagu qabtay sido kale la geeyay saldhiga, waxaana hadda lagu guda jiraa hawsha diiwaangelintooda iyo baaritaankooda, iyadoo la sugayo in maxkamad la horgeeyo.
Baarayaasha ayaa sidoo kale bilaabay baadi-goobka eedeysanihii baxsaday, xilli baaritaannada lagu hayo shabakadda dambiyeed ee looga shakisan yahay.
DCI waxay sheegtay in howlgalka uu muujinayo muhiimadda ay leedahay in booliisku ku shaqeeyo xog sirdoon oo la hubo si looga hortago dambiyada loogana saaro hubka halista ah eek u jira gacanta bulshada.