Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta tagay magaalada Marimanti ee ismaamulka Tharaka Nithi.
Waxaa uu halkaasi si rasmi ah uga furay xarunta Huduma ee laga bixiyo adeegyada aasaasiga ee dowladda .
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in xaruntaasi ay dadweynaha Marimanti ka heli doonaan adeegyo ay meelo kale u raadsan jireen.
Sidoo kale waxaa uu si rasmi ah u furay machadka lagu barto culuunta caafimaadka ee KMTC ee magaaladaasi isagoo faahfaahin ka bixiyay qorshaha lagu qalabeynaya iyo miisaaniyadda ay dowladdu u qoondeysay.
Sidoo kale, waxaa uu ka hadlay caymiska caafimaadka bulshada oo uu dadweynaha ku boorriyay in ay isku diiwaangeliyaan. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu ay ku dadaalaysa sidii ay kenyaanka daryeel caafimaad uga heli lahaayeen meelaha ugu dhow ee ay ku nool yihiin.
Madaxweyne William Ruto ayaa xusay inuu halkaasi ka hirgelinaya mashaariic dhanka korontada iyo biyaha ah.