Australia oo cunaqabateyn ku soo rogtay Israa’iiliyiin

0
380

Dowladda Australia ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay Israa’iiliyiinta deggan dhulka Falastiin ee la haysto.
Waxay xayiraado dhanka safarrada ah saartay shakhsiyaadkan oo lagu eedeyay in ay rabshado iyo falal dambiyeedyo kula kaceen Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed.
Wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda ee Australia Penny Wong ayaa maanta shaacisay tallaabooyinka ay qaadday dowladda dalkaasi.
Waxay sheegtay in tani ay saameynaysa ilaa 7 qof oo u dhashay Israa’iil iyo koox deegaamayn sharci darro ah ka wado Daanta Galbeed ee Falastiin.
Kooxdan ayaa loo yaqaano Hilltop Youth waxayna dowladda Australia ku eedeysay in ay sameysay kicin dadweyne oo ka dhan ah Falastiiniyiinta iyo shaqaaqooyin lagu bartilmaameedsaday.
Penny Wong ayaa intaasi ku dartay in shakhsiyaadka cunaqabateynta la saaray ay sidoo kale gaysteen xadgudubyo galmo iyo jirdil.
Waxay Israa’iil ugu baaqday in ay la xisaabtanto dadkii dhibaatooyinkan ka dambeeyay.
Waxaa horay xayiraad noocani ah u soo saaraya Ingiriiska, Maraykanka , Canada iyo Japan.