DHAGEYSO:Laamaha amniga oo qabtay 5 qof oo ku eedeysan faraxumeyn ka dhacday Garissa

0
58

Haweeney 28 jir ah ayaa dalbnaysa cadaalad ka dib markii lix nin ay ku faraxumeeyeen xaafada Medina oo ku taal duleedka magaalada Garissa dhammaadkii toddobaadkii hore.
Sida laga soo xigtay haweeneyda, kooxda burcadda ah ayaa albaabka gurigooda jabiyay abbaaro 8-dii fiidnimo waxayna ku amreen inay soo raacdo iyagoona geeyay meel keyn ah kadibna faraxumeeyay.
Ka hor inta aysan la tagin haweeneyda Deriskeeda oo u soo gurmaday ayaa lagu weeraray baangado waxaana ku dhaawacmay ninkeeda .
Taliyaha booliiska Garissa Samson Chelugo ayaa sheegay inay xireen shan tuhmane oo maanta maxkamad la soo taagayo.