Dambi baarayaasha dalka oo beeniyay in xabsiga laga sii daayay Sahara Axmad Barre

0
80

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa beenisay wararka baraha bulshada ku wareegaya ee sheegaya in xabsiga laga sii daayay Sahara Axmad Barre oo loo yaqaano Siman taasoo ku eedeysan kicin bulsho.
Qoraal ka soo baxay DCI-da ayaa lagu tilmaamay in wali ay xiran tahay Sahara Axmad Barre,maanta oo isniin ahna la soo taagi doono Maxkamadda Sharciga ee Kahawa.
Xaqiijinta DCI waxay timid ka dib markii dadka baraha bulshada isticmaala ay walaac ka muujiyeen sida tuhmanaha loo sii daayay saacado ka dib markii la xiray iyada oo aan dacwad lagu soo oogin.
Qoraalka DCI-da ayaa ku xusan in Sahara Axmad Barre aan lagu sii deyn wax damaanad ah iyagoona been abuur ku tilmaamay wararka la isla dhexmarayo .
Xarigga gabadhaas ayaa ku soo beegmaya ka dib markii baraha bulshada uu ku faafay muuqaal loo aqoonsaday inuu wax u dhimaya wadajirka qaran,sido kalena abuuri kara nacayb iyo khatar ka dhan ah amniga.
Qiimeyn baaritaaneed oo lagu sameeyay muuqaalka Siman ayaa keentay in dambi baarayaasha dalka ay si deg deg ah u soo xiraan.