Rigathi Gachagua oo ka tanaasulay dacwaddii uu ku raadinayay inuu dib u helo xilkii laga qaaday

0
58

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa ka tanaasulay dacwaddii uu ku doonayay in dib loogu soo celiyo xilkii laga qaaday xili maanta ay dacwaddiisa ka bilaabmatay maxkmadda Milimani ee Nairobi.
Taa beddelkeeda, dacwadda Gachagua waxay diiradda saareysaa magdhowga iyo in xil ka xayuubintiisa loo maray habraac aan sharci ahayn.
Kiiskiisa waxaa maanta u fadhiistay garsoorayaasha kala ah Eric Ogolla, Anthony Mrima, iyo Freda Mugambi.
Qareen Sare Paul Muite, oo hogaaminaya kooxda sharciga ee Gachagua, ayaa maxkamadda u sheegay in Madaxweyne ku xigeenkii hore uu raadinayo magdhow iyo in laga xaalmariyo khasaare uu sheegay in ay ka soo gaartay sharci darrada uu xilkiisa ku waayay.
Gachagua wuxuu ku doodayaa in geeddi-socodka xil ka qaadista ee uu Baarlamaanku sameeyay uu ahaa mid aan dastuuri ahayn, sido kalena aan laga qeyb galin dadweynaha sida uu sharcigu qabo.
Waxaa uu sido kale ku andacoonaya in xubnaha dadweynaha kaliya ah loo soo bandhigay khaladaadkiisa la sheegay, iyada oo aan loo heynin xaqiiqooyin dhammaystiran ama macluumaad dheellitiran .