DHAGEYSO:113 arday oo wax ka barta jaamacadda Garissa oo helay deeq waxbarasho

0
231

Iyadoo ay socoto dadaallada lagu doonayo in xal loogu helo macallin yarida ka jirta gobolka Waqooyi Bari ayaa 113 arday oo xirfadda macallinimada ka barta Jaamacadda magaalada Garissa heleen deeq waxbarasho oo lacageed oo dhan 8.8 milyan oo shilin.
Waxaa deeqdaan maalgeliyay sanduuqa horumarinta ee deegaan baarlamaaneedka Koonfurta Mandera.
Mudanaha deegaanka Koonfurta Mandera Cabduul Haro ayaa waalidiinta ugu baaqay in carruurtooda kula taliyaan barashada culuunta macallinimada.

Mid ka mid ah ardayda wax ka barata jaamacadda Garissa ayaa ku boorrisay ardayda deeqdan heshay inay fursadan ka faa’iideystaan.