Madaxa wasiirrada ee dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Musalia Mudavadi ayaa la kulmay xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken.
Kulanka ayaa ka qabsoomay xarunta waaxda arrimaha dibadda Maraykanka ee caasimadda Washington DC.
Waxaa kulanka diiradda lagu saaray arrimaha nabadda iyo amniga, oo ay ku jiraan colaadaha ka taagan gobolka Bariga Afrika iyo xiisadda ka aloolsan Bariga Dhexe.
Mudavadi oo booqasho rasmi oo saddex cishe ah ku jooga Maraykanka ayaa qoraal uu soo dhigay barahiisa rasmiga ee Facebook-ga iyo X ku sheegay in Kenya iyo Maraykanka ay qayb ka yihiin dadaallada dhexdhexaadinta colaadaha ka taagan gobolka.
Madaxa wasiirrada ee dalka ayaa sidoo kale sheegay in xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken uu kala hadlay qorshaha ku aadan in 1,000 ka mid ah ciidamada booliiska ee wadanka la geeyo Haiti, inkastoo qorshahaasi maxkamadda sare ee dalka ay hor istaagtay.
Waxaa uu sheegay in Kenya iyo Maraykanka ay ku heshiiyeen in la sii wado dadaallda lagu wanaajinaya nolosha dadka Haiti.
Mudavadi ayaa dowladda Maraykanka uga mahadceliyay taageerrada muddada dheer ee dhinacyada la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta ganacsiga ee labada dal.




