Agaasimaha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da , Aamiin Maxamad ayaa ballan qaaday inay adeegsan doonaan xeelad kasta oo suurtagal ah si lagula dagaallamo in qofku uu ka been sheego aqoontiisa.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay ku dadaali doonaan in marka howlwadeennada kala duwan la shaqaaleysiinaya ama la dallacsiinaya fiiro gaar ah loo yeesho shahaadooyinkooda.
Mr. Aamin ayaa arrintan ka hadlay ka dib markii uu guddoomay warbixin guddiga adeegga dadweynaha ee PSC uu ka soo saaray tayada dokumeentiyada waxbarasho ee shaqaalaha dowladda.
Agaasimaha DCI-da ayaa xusay in shakhsiyaadka adeegsanaya shahaadooyinka waxbarasho ee been abuurka ah ay ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan.
Sidoo kale waxaa uu maamullada kale ka codsaday inay waaxdan kala shaqeeyaan dardargelinta baaritaannada.




