Doorasho guud oo maanta ka dhacaysa dalka Indonesia

0
196

Shacabka dalka Indonesia ayaa maanta ka qayb qaadanaya doorasho ay ugu codeynayaan hoggaamiyaha beddelaya madaxweyne Joko Widodo.
Waxaa codkooda dhiibanaya in ka badan 204 milyan oo qof oo ka mid ah dadweynaha Indonesia oo 270 milyan ah.
Codbixiyeyaasha ayaa sidoo kale dooranaya madaxweyne ku xigeenka iyo kumanaan isugu jiro xildhibaannada baarlamaanka iyo wakiillada deegaannada hoose.
Waxaa lagu soo warramaya in madaxweyne Joko Widodo uu codkiisa dhiibtay.
Roobab culus oo ay daadad ka dhasheen ayaa ka da’ay magaalada Jakarta ee caasimadda Indonesia iyo jasiiradda Java in kastoo ay u muuqato in taasi aynan niyad jabin codbixiyeyaasha.
Ka dib marka ay codeynta soo idlaato waxaa durbaba la billaabi doonaa tirinta codadka iyadoo natiijada horudhaca ah la filaya saqda dhexe ee caawa.
Loollanka loogu jiro hoggaanka ugu sarreeya ee Indonesia waxaa ugu cadcad saddex musharrax oo uu ka mid yahay wiil 36 sano jir ah oo uu dhalay madaxweynaha xafiiska banneynaya Joko Widodo laguna magacaabo Gibran Rakabuming Raka.
Musharraxiinta kale ayaa ah taliye hore oo militari ,Prabowo Subianto oo markii saddexaad u tartamaya xilka madaxweynaha Indonesia, wasiirkii hore ee waxbarashada ahna duqa magaalada Jakarta Anies Baswedan iyo duqii hore ee Bartamaha Java Ganjar Pranowo.
Dalka Indonesia waxaa maalinta doorashada ay tahay maalin fasax qaran ah si dadweynaha loogu dhiirrigeliyo inay codkooda dhiibtaan.
Doorashadii guud ee wadankaasi ka qabsoontay sanadkii 2019-kii waxaa u soo baxay boqolkiiba 81 ee dadkii isku diiwaangeliyay.