Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ku wargeliyay racfaan uu golaha qaran ee xeer dejinta doonaya inuu ka qaato go’aankii ay maalmo ka hor maxkamadda racfaanka ku laashay canshuurta guriyeynta.
Maxkamadda ayaa xilligaasi diiday in dowladda dhexe loo oggolaado inay sii wado qorshaha boqolkiiba min 1.5 bil kasta looga jaraya mushaaraadka shaqaalaha iyo goobaha ay ka howlgalaan si lacagtan loogu biiriyo sanduuqa guriyeynta.
Garsoorayaasha maxkamadda racfaanka ee dalka ee kala ah Lydia Achode, John Mativo iyo Gachoka Mwaniki ayaa diiday inay meesha ka saaraan amarkii 28-kii bishii 11-aad ee sanadkii hore ay maxkamadda sare ku hakisay canshuurta guriyeynta.
Xeer ilaaliyaha qaranka Justin Muturi ayaa maalmo ka hor ku guul dareystay racfaankii uu ka qaatay go’aankii maxkamadda ay sharci darro ku tilmaantay xeerka maaliyadda ee sanadkii hore ee Finance Act 2023 oo ay canshuurta guriyeynta qayb ka tahay.
Madaxa waaxda cadaaladda ee dalka ahna guddoomiyaha maxkamadda Supreme Court garsoore Martha Koome ayaa looga fadhiyaa inay soo magacawdo guddi ka kooban 7 garsoorayaal oo dhageysan doono racfaanka uu gudbiyay baarlamaanka.
Dhawaan ayay ahayd markii hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kimani Ichung’wah uu sheegay in golaha qaran ee xeer dejinta uu dowladda dhexe ku taageeri doono dhaqangelinta mashruuca guriyeynta.
Madaxweyne William Ruto iyo xubnaha maamulkiisa ayaa marar badan sheegay in barnaamijkan lagu dhisaya guriyo tayo ahaan wanaagsan oo ay kenyaanka ku degi karaan qiimo ay awoodaan si ugu dambeyn meesha looga saaro xaafadaha isku raranta ah ee aynan u dhameystirnayn adeegyada aasaasiga ee bulshada.
Home Wararka Kenya Baarlamaanka oo racfaan ka qaadanaya go’aankii maxkamadda ee canshuurta guriyeynta