Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa bulshada muslimiinta ah uga tacsiyadeeyay geeridii xalay ku timid Sheekh Athman AbdulHalim Hussein oo ahaa qaadiga guud ee Kenya.
Waxaa uu ku tilmaamay shakhsi noloshiisa u hibeeyay u adeegidda aadanaha oo muslimiinta u hoggaaminayay si ay ku dheehan tahay dadaal , dabacsanaan iyo xikmad.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa xusay in Sheekh Athman lagu xusuusan doono inuu ahaa daaci muslim ah oo ay ka go’anayd ka shaqeynta cadaaladda.
Waxaa uu dhammaan muslimiinta iyo si gaar ah qoyskii uu ka baxay uu u rajeeyay samir iyo adkeysi xilligan adag.
Sidoo kale , waxaa geerida qaadiga guud ee dalka Sheekh Athman AbdulHalim Hussein ka tacsiyadeeyay madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Mid ka mid ah dadkii ay saaxiibbada dhow ahaayeen , ay soo wada barbaareen sidoo kalena ay dugsiga wada dhigan jireen ayaa dareenkiisa la wadaagay warbaahinta.
Sidoo kale , qaar ka mid ah culimada Mombasa ayaa muslimiinta ka codsaday in ay cafiyaan qaadiga haddii ay jirto cid wax ka tabanaysay .
Waxay intaasi ku dareen inuu aad uga fikiriyay mideynta bulshada muslimiinta ah ee ku nool dalka iyo xallinta khilaafaadka soo dhex galo mararka qaar.




