DHAGEYSO:Dowladda oo meelo kale u wareejinaysa dugsiyada ay daadadka saameeyeen ee Tana River

0
294

Dowladda dhexe ayaa sheegtay in ay si joogto ah meelo kale ugu wareejin doonto qaar ka mid ah dugsiyada ismaamulka Tana River ee gobolka Xeebta ee ay fatahaaduhu saameeyeen.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Ezekiel Machogu, oo dugsiyadan booqday.
Waxaa wasiirka socdaalkiisa uu ku tagay degmada Tana Delta ku wehelinayay xoghayaha waaxda deegaannada oomanaha ee loo yaqaano (ASALs) Kelo Arsama iyo xildhibaanka deegaanka Garsen Cali Wario.
Wasiir Machogu ayaa xusay in wasaaradda tacliinta ay miisaaniyad u qoondeysay in dayactir lagu sameeyo qaar ka mid ah dugsiyada halka kuwo kalena la daadgureynaya.
Waxaa uu xusay in sanduuqa qaran ee horumarinta deegaannada ee NGCDF uu door ka qaadan doono in halkaasi laga dhiso fasallo dheeraad ah oo la wanaajiyo kaabayaasha waxbarasho ee xarumahan.
Xoghayaha waaxda deegaannada oomanaha ee loo yaqaano (ASALs) Kelo Arsama ayaa dhankiisa sheegay in madaxweynaha dalka William Ruto uu ku amray inuu ka shaqeeyo sidii dib u dejin dhameystiran loogu sameyn lahaa qoysaska daadadka ku barakacay.

Bishii Saddexaad ee sanadkan ayay ahayd markii ugu yaraan 22 dugsi oo ku yaalla Tana Delta ay ka buuxsameen biyaha daadka tani oo saameyn wayn ku yeelatay waxbarashada kumanaan arday ah.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here