Ciidamada Israa’iil oo 16 qof ku xiray Daanta Galbeed

0
160

Waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada militariga ee Israa’iil ay ugu yaraan 16 ruux ku xireen Daanta Galbeed ee la haysto ee dalka Falastiin.
Howlgalkan ayaa laga fuliyay magaalada Silwad oo u dhow Ramallah sida ay qortay wakaaladda rasmiga ah ee wararka dowladda Falastiin ee WAFA.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dhanka kale la soo tabinaya in Israa’iil iyo Xamaas ay u socdaan wada xaajoodyo lagu siidaynaya maxaabiista u kala xiran.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here