DHAGEYSO:Barasaabka Kwale oo ku baaqday in la cirib tiro burcad dadka dhibaateysa

0
331

Guddoomiyaha ismaamulka Kwale ee gobolka Xeebta Fatuma Achani ayaa saraakiisha ammaanka ku boorrisay in ay la tacaalaan da’yar burcad ah oo dhibaatooyin u gaysta shacabka iyo ganacsatada Diani.
Tani ayaa timid ka dib markii weerarro halkaasi ka dhacay lagu dhaawacay dhowr qof.
Achani ayaa hoosta ka xarriiqday in burcadda oo adeegsada baangado ay ka faa’iidaysteen dibadbaxyadii looga soo horjeeday hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan.
Waxay sheegtay in dhaqaalaha ismaamulka Kwale uu ku tiirsan yahay howlaha dalxiiska oo ay saameyn soo gaareysa haddii ay amni darro timaado.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here