DHAGEYSO:M-PESA Foundation oo adeegyo caafimaad u fidisay 2,700 oo qof oo ka mid ah shacabka Nairobi

0
304

Ugu yaraan 2,700 oo ruux oo ka mid ah dadweynaha ku nool ismaamulka Nairobi ayaa ka faa’iiday daryeel caafimaad.
Waxaa bixinta adeegyadan iska kaashaday laanta tabarucaadda ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ee M-Pesa Foundation, Zuri Health iyo isbitaalka Lions SightFirst Eye Hospital.
Adeegyadan ayaa laga bixiyay dugsiga hoose dhexe ee Kwa Ng’ethe ee xaafadda Githurai.
Daryeelka ay dadweynaha heleen waxaa ka mid ah aragga , baaritaannada noocyada kansarka ee saameeya naasaha iyo minka ,baaritaannada isku furanka, macaanka, dhiig karka, xanuunnada carruurta , daryeelka waayeellada iyo kuwo kale.
Waxaa dadka ka faa’iidaystay adeegyadan ka mid ah Mary Muthoni oo dareenkeeda la wadaagtay warbaahinta.

Waxaa uu qorshuhu yahay in M-Pesa Foundation ay adeeg kani la mid ah 12-ka bishan ku qabato Ongata Rongai oo ka tirsan ismaamulka Kajiado.
Tan iyo bishii Afaraad ee sanadkan , waxaa adeegyadan caafimaad ee lacag la’aanta ah laga fuliyay ismaamullada Siaya, Machakos , Bungoma iyo deegaanka Mathare ee Nairobi in ka badan 14,000 oo qof ayaana ka faa’iidaystay daryeelkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here