Wareegga labaad ee doorashada Faransiiska oo maanta la qabanaya

0
222

Waxaa dalka Faransiiska ka socdo wareegga labaad ee codeynta xilligeedi laga soo horumariyay ee uu ku baaqay madaxweyne Emmanuel Macron.
Tani ayaa timid ka dib markii xisbiga midigta fog ee National Rally (RN) uu helay saddex meelood hal meel codadkii la dhiibtay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xisbiga garabka bidix oo kaashanaya kuwo kale uu isku dayaya inuu RN ka hor istaago inuu soo hooyo aqblabiyadda codadka.
Waxaa wareegga labaad ee codeynta lagu tartamaya 501 oo kuraas baarlamaneed ah.
76 oo ka mid ah kuraasta baarlamaanka ayaa lagu guulaystay wareegii koowaad ee doorashada.
Codeynta ayaa lagu ogaan doonaa Ra’iisul Wasaaraha xiga ee Faransiiska waxaana la filayaa in natiijada horudhaca ah lagu dhawaaqo xilli dambe caawa ama galinka hore ee berri oo Isniin ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here