2 ka mid ah militariga India oo la dilay

0
305

Labo ka mid ah ciidamada qalabka sida ee dalka India ayaa lagu dilay gobolka Kashmiir.
Tani ayaa timid ka dib markii labo dhacdo oo dagaallo ah halkaasi laga soo tabiyay.
Waxaa sidoo kale isku dhacyada lagu dilay 6 fallaago ah sida laga soo xigtay ciidamada booliiska ee India.
Taliyaha booliiska ee Kashmiir Vidhi Kumar Birdi ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in saraakiisha ay tuulooyinka hoos tago degmada Kulgam ay ka fuliyeen howlgallo labo ah oo looga dilay ciidamada militariga.
Waxay tani sare u sii qaadaysa walaaca laga muujinaya xaaladda amni ee Kashmiir.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here