Madaxweyne ku xigeenka dalka oo la kulmay safiirka Shiinaha ee Kenya

0
279

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa maanta kulan la qaatay danjiraha dowladda Shiinaha ku matalo Kenya Ambasadoor Zhou Pingjian.
Qoraal uu soo saaray ayuu Gachagua ku sheegay in isaga iyo safiirka ay ka wada hadleen danaha ka dhexeeya labada waddan.
Waxay xoogga saareen sare u qaadidda iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa xusay in Kenya iyo Shiinaha ay wadaagaan xiriir wanaagsan oo ku saleysan wax wada qabsi gaar ahaan dhanka ganacsiga iyo horumarka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu qorshuhu yahay in hoggaamiyaha labaad ee Kenya uu safar ku tago Shiinaha si uu suuq ugu raadiyo dalagyada sida Qaxwada , Caleenta Shaaha iyo Afakaadhaha lagu soo saaro gudaha dalka.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here