Militariga Israa’iil oo Axaddii iyo Isniintii laga dhaawacay 44 sarkaal

0
285

Militariga Israa’iil ayaa shaaciyay in maalmihii Axadda iyo Isniinta ee la soo dhaafay laga dhaawacay 44 ka mid ah saraakiisha qalabka sida.
14 ka mid ah ciidamadan ayaa waxyeello lagu gaarsiiyay Marinka Qaza.
Militariga Israa’iil ayaa laga soo xigtay in tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii ay dhaawacyo soo gaareen 4,021 ka mid ah ciidamadiisa iyadoo 2,032 oo dhaawacyadan ka mid ah laga diiwaangeliyay Qaza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here