Waaxda dacwad oogidda oo sheegtay in tallaabo laga qaadaya dadka burburiyay hantida guud iyo midda gaarka ah

0
201

Agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Renson Ingonga ayaa wacad ku maray in tallaabo sharciyeed laga qaadi doono cid kasta oo rabshad gaysatay intii ay socdeen dibadbaxyadii ay dadweynaha uga soo horjeedeen hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan.
Bayaan uu soo saaray ayuu waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ku amray in ay dardargeliso baaritaannada dhacdooyinkaasi ku aaddan.
Waxaa uu u digay cid kasta oo qorsheynaysa in ay rabshad kiciso oo ay burburiso hantida guud iyo midda sida gaarka ah loo leeyahay iyadoo ka faa’iidaysanaysa dibadbaxyada nabadda ah.
Waxaa uu cadeeyay in dastuurka dalka uu shacabka xaq u siinaya in ay mudaaharaad sameeyaan balse aan loo baahnayn in ay ku kacaan falal liddi ku ah amniga .
Agaasimaha waaxda dacwad oogidda qarank ayaa xusay in wixii hadda ka dambeeya sida ugu adag looga falcelin doono bartilmeemeedsiga xarumaha muhiimka ah sida baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here