Boqolaal qof oo bukaan ah oo ka qaxay isbitaal ku yaalla Qaza

0
111

Boqolaal qof oo ka mid ah bukaannada isbitaalka European Hospital ee Qaza ayaa halkaasi ka qaxay.
Sidoo kale , Falastiiniyiin ayaa ka sii barakacay teendhooyin hooy u ahaa oo ku yaalla magaalada Khan Younis.
Tani ayaa timid ka dib markii ay Israa’iil amar ku bixisay in si degdeg ah dadka looga daadgureeyo aagga Bariga Qaza.
Dhanka kale, ugu yaraan hal qof ayaa la dilay iyadoo 6 kalena la dhaawacay ka dib markii ay ciidamada Israa’iil weerareen guri ku yaalla aagga bari ee Khan Younis.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore, ugu yaraan 37,900 qof ayaa lagu dilay duqeymaha Israa’iil ee Qaza halka la dhaawacay 80,060 kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here