Hindisaha maaliyadda oo mar kale baarlamaanka la hor geyn doono Talaadada

0
190

Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Moses Wetangula ayaa sheegay in maalinka Talaadada ah ay mar kale xildhibaannada baarlamaanka eegi doonaan hindise sharciyeedka maaliyadda.
Tani ayaa timid ka dib markii uu shalay ka soo gudbay akhrinta labaad.
204 oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka ayaa u codeeyay hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan halka 115 ay ka soo horjeesteen.
Wetangula ayaa sheegay in uunan jirin mudane ka aamusay codeynta.
Waxaa uu qorshuhu yahay in Talaadada xildhibaannada mid mid loola wadaago oo ay u codeeyaan isbeddellada lagu sameeyay qorshahan.
Intaasi ka dib waxaa uu u gudbi doonaa akhrinta saddexaad oo ay xildhibaannada markii ugu dambeysay u codeyn doonaan ansixinta hindise sharciyeedka maaliyadda ama in ay dhinac iskaga dhigaan.
Haddii aan isbeddellada lagu heshiin waxaa lala wadaagaya guddi qaabilsan dhexdhexaadinta oo dib u eegis sameynaya iyadoo nuqulka ugu dambeeya loo codeyn doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here