Dibadbaxyada ka dhaco dalka oo sanadkan waji cusub yeeshay

0
319

Waxaa sanadkan la dareemaya isbeddel dhanka dibadbaxyada ah.
Waxaa horay dhici jirtay in hoggaamiyaasha siyaasadeed ee mucaaradka ay soo qaban qaabiyaan ka dibna hor kacaan mudaaharaadyada.
Balse dibadbaxyadii soo billowday Talaadadii oo u muuqdo kuwo ku sii fidaya ismaamullada kala duwan ee dalka ayaa waxaa hoggaaminaya si wayna uga dhex muuqdo dhallinyada.
Da’yarta ayaa sidoo kale adeegsanaya baraha ay bulshada ku wada xiriirto oo ay tabashooyinkooda ku soo bandhigayaan .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qabanqaabada dibadbaxyada loo maraya baraha bulshada sidoo kalena da’yarta dibadbaxaya ayaa duubaya muuqaallo ay faafinayaan.
Waxaa ka sii horreysay in nambarrada taleefoonnada ee mas’uuliyiinta sida madaxweynaha iyo xildhibaannada lagu faafiyay baraha bulshada taasi oo horseedday in codbixiyeyaasha ay xildhibaanadooda u diraan farriimo ay ugu sheegayaan in aynan u codeyn hindise sharciyeedka maaliyadda.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga uu qoraal ku sheegay in ay farxad u tahay inuu arko dhallinyarada oo u taagan isbeddel .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here