Ugu yaraan 34 qof oo ku dhintay India ka dib markii ay Khamri isticmaaleen

0
270

In ka badan 34 ruux ayaa ku geeriyooday dalka India ka dib markii ay isticmaaleen khamri sharci darro ah.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay gobolka Koonfureed ee India ee Tamil Nadu.
Afhayeen u hadlay dowladda India ayaa maanta xaqiijiyay tirada dhimashada oo uu sheegay in ay ka dhalatay khamri lagu daray maaddada methanol.
Maamullada ayaa wacad ku maray in ay si wayn ula dagaallami doonaan falalka noocani ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ugu yaraan 100 qof oo ku nool degmada Kallakurichi ay soo foodsaareen matag, calool xanuun iyo shuban taasi oo keentay in isbitaallada la dhigo.
Laamaha ammaanka ayaa billaabay baaritaano dhacdadaasi la xiriira.
Waxaa la saadaalinaya in tirada dhimashada ay sii kororto iyadoo ugu yaraan 10 sarkaal si ku meel gaar ah shaqada looga joojiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here