Dowladda oo yareysay qiimaha miisaaniyadeeda

0
89

Dowladda dalka ayaa hoos u dhigtay qiimaha miisaaniyad sanadeedkan .
Lacagtan ayaa laga dhimay 132.46 bilyan oo shilin.
Waxaa uu horay qorshuhu ahaa in dowladda ay sanad maaliyadeedkan isticmaasho dhaqaale gaaraya 3.981 Tiriliyoon oo shilin balse waxaa lagu soo reebay 3.848 Tiriliyoon oo shilin sida ku cad bayaan ka soo baxay xarunta madaxtooyada ee State House.
Qiimaha la yareeyay ayaa u dhigma boqolkiiba 3.3.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa arrinkan shaaciyay xilli uu saxiixay labo hindise sharciyeed oo kala ah qoondeynta miisaaniyadda dheeraadka ah iyo qaybsashada dakhliga ee sanadkan.
Waxaa miisaaniyadda loo kordhiyay wasaaradda tacliinta ee dalka iyadoo jaamacadaha loogu talagalay 4.468 bilyan oo shilin halka dugsiyada sare la siinaya 1.112 bilyan.
Sidoo kale dhaqaalaha ku baxaya horumarka ayaa laga dhimay 75.29 bilyan oo shilin waxaana jiro dhinacyo si gaar ah mudnaan loo siin doono.
Dowladda ayaa arrimaha culus ee soo kordha ugu talagashay 51.12 bilyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here