Hoggaamiyaha dalka oo la kulmay madaxda Samburu iyo Meru

0
88

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa hoggaamiyaasha siyaasadeed ee ismaamullada Samburu iyo Meru kula kulmay madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi.
Qoraal uu soo saaray ayuu madaxweyne Ruto ku sheegay in go’aanka ay qaateen madaxda Samburu ee ku aaddan in ay ka wada shaqeeyaan xallinta caqabadaha ay shacabka wajahayaan uu yahay mid dhiirrigelinaya.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in midnimada aynan keliya horseedayn wada noolaansho nabad ah balse ay sidoo kale abuuraysa jawi ku habboon horumarka dhaqaale.
Kulanka ayaa ahaa mid dib loogu eegayay dhaqangelinta barnaamijyada horumarineed ee mudnaanta la siinaya ee dowlad deegaanka Samburu iyo qorshayaasha mustaqbalka.
Sidoo kale madaxweynaha oo kulan la qaatay xildhibaannada ismaamulka Meru ayaa xusay in ay ka wada hadleen barnaamijyada horumarka sida xiriirinta korontada , adeegga intarneetka , dhisidda waddooyinka, suuqyada iyo kuwo kale.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in mudanayaasha baarlamaanka ay ajeendahooda horumarineed waafajinayaan istaraatiijiyadda ah in kobcinta dhaqaalaha laga soo billaabo meel hoose.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu qorshuhu yahay in hoggaamiyaha wadanka uu dabayaaqada toddobaadkan booqasho ku tago Meru.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here