Xamaas oo dhaliil u jeedisay Israa’iil

0
182

Madaxa ururka Xamaas ee dalka Falastiin Ismaaciil Haniyeh ayaa Israa’iil ku eedeyay in ay xannibaysa dadaallada ku aaddan in la gaaro heshiis xabbad joojin oo ka dhaqangalo Qaza.
Xamaas ayaa hoosta ka xarriiqday in weerarkii ay Israa’iil Sabtidii ku qaadday xerada qaxootiga ee Nuseirat uu ahaa dembi dagaal oo aad u culus.
Waxaa weerarkaas lagu dilay ugu yaraan 274 Falastiiniyiin oo ay ku jireen in ka badan 64 carruur ah.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore, waxaa duqeymaha ay Israa’iil weli ka wado Qaza lagu dilay ugu yaraan 37,124 Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 84,712 kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here