DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo ka digay siyaasadda kala qaybinta ku saleysan

0
222

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa hoggaamiyaasha ku boorriyay in ay midnimada ku dadaalaan oo ay ka fogaadaan siyaasadda kala qaybinta ku saleysan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in Kenya ay tahay dal ku dayasho mudan marka la eego gobolka sidaasi awgeedna aynan waxba soo kordhinayn siyaasadda qabyaaladeysan ee qaranka u horseedi karta dib u dhac.
Madaxweynaha ayaa madaxda kula taliyay in ay is qadariyaan oo ay wada shaqeeyaan.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Nakuru ayuu madaxweyne William Ruto kenyaanka u xaqiijiyay in maamulkiisa ay ka go’an tahay xoojinta midnimada shacabka iyo madaxda.

Waxaa uu dhanka kale sheegay in ay fahansan yihiin khasaaraha lagala kulmo siyaasadda ku saleysan qabyaaladda oo uunan marnaba oggolaan doonin in dib loogu laabto dhibaatooyinkii arrinkan laga soo maray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here