DHAGEYSO:Siyaasiyiin ku baaqay in laga wada hadlo qaybsashada dakhliga qaran

0
193

Barasaabka ismaamulka Murang’a Irungu Kang’ata iyo dhigiisa Tharaka Nithi Muthomi Njuki ayaa ku baaqay wada xaajood qaran oo lagu jaangooynaya qaabka loo qaybsanaya dakhliga qaranka si dhammaan kenyaanka ay uga wada faa’iidaan.
Kang’ata ayaa ismaamulka Nakuru ka sheegay in madaxda looga baahan yahay in ay muwaadiniinta ku mideyaan hannaanka qaybsashada miisaaniyadda dalka oo aynan xoogga saarin sidii deegaannadooda keliya ay uga faa’iidaysan lahaayeen qorshahan.
Waxaa uu xusay in ay lagama maarmaan tahay ka shaqeynta jawi ay dhammaan kenyaanka dareemayaan farxad iyadoo aan la eegayn halka uu qofka ka soo jeedo.
Waxaa arrinkan ku taageeray barasaabka dowlad deegaanka Tharaka Nithi Muthomi Njuki oo xusay in haddii baarlamaanka uu ka doodo qaabka kenyaanka loogu qaybinaya dakhliga dalka in arrintan laga heshiin karo.

Senatarka ismaamulka Laikipia John Kinyua ayaa dhankiisa ka soo horjeestay soo jeedinta madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ee ah in miisaaniyadda horumarinta deegaannada ee NG-CDF lagu qaybsado tirada codbixiyeyaasha.

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wa ayaa siyaasiyiinta kula taliyay in aynan dadweynaha ku kala qaybin qorshahan balse ay uga doodaan goleyaasha xeer dejinta.

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka , Moses Wetangula ayaa dhankiisa soo jeediyay in raasimaalka loo kordhiyo waaxyaha ay baahiyaha ugu badan ka jiraan sida waxbarashada iyo caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here