2 qof oo loo xiray ka ganacsiga Xashiishka

0
222

Laamaha ammaanka ayaa gacanta ku dhigay labo qof oo ku eedeysan ka ganacsiga nooca maandooriyaha ee xashiishka.
Tani ayaa timid ka dib howlgal laga sameeyay waddada xiriirisa Mariakani iyo Mavueni ee ismaamulka Kilifi.
Ciidamada qaabilsan la dagaallanka maandooriyaha ee (ANU) ee deegaanka Malindi ayaa howlgalkaasi sidoo kale ku soo qabtay ugu yaraan 429 kiilogaraam oo xashiish ah.
Qiimaha lacageed ee balwaddan ayaa lagu qiyaasay 12 milyan oo shilin.
Tuhmanayaasha la xiray ayaa kala ah darawalkii baabuurka waday iyo taanbooygiisa oo ay da’doodu tahay 28 sano iyo 27 sano jir laguna kala magacaabo Joseph Nzomo iyo Auress Godfrey.
Eedeysanayaasha ayaa hadda ku jiro saldhigga booliiska ee Mariakani iyagoo maraya baaritaano dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.
Saraakiisha ammaanka ee Kilifi ayaa digniin adag u diray cid kasta oo ku howlan ka ganacsiga maandooriyaha iyagoo wacad ku maray in laga qaadi doono tallaabo adag oo dhanka sharciga ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here