Golaha wasiirrada ee dalka ayaa kulankiisi shalay ku meel mariyay in shakhsiyaad ama shirkado gaar ah lagu wareejiyo 6 ka mid ah shirkadaha dowliga.
Kulanka oo ka qabsoomay xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ayaa waxaa shir guddoominayay madaxweynaha dalka William Ruto .
Waaxyaha la wareejinaya waxaa ka mid ah bangiga horumarka ee dalka ee Development Bank of Kenya oo ay dowladdu ku leedahay aqlabiyadda saamiga oo ah boqolkiiba 89.3.
Shanta kale ayaa ah maqaayado waxayna kala yihiin Kenya Safari Lodges and Hotels Limited, Golf Hotel Limited , Sunset Hotel Limited, Mt. Elgon Lodge Limited iyo Kabarnet Hotel Limited.




