DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in la ballaarin doono machadyada lagu barto caafimaadka ee KMTC

0
173

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay inuu jiro qorsho dowladeed oo lagu ballaarinaya machadyada lagu barto culuunta caafimaadka ee KMTC guud ahaan wadanka.
Waxaa uu tani u aaneeyay barnaamijka caafimaadka guud ee UHC iyo in gudaha wadanka looga baahan yahay howlwadeenno caafimaad oo dheeraad ah oo ay ka mid yihiin kalkaaliyeyaal.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu si rasmi ah xariga uga jaray machadka culuunta caafimaadka ee magaalada Kangema ee ismaamulka Murang’a.
Waxaa uu xusay in dowladdu ay lacag dhan 65 milyan oo shilin u qoondeysay sidii machadkaasi loo qalabeyn lahaa si loo gaarsiiyo heerka la doonayo ka hor inta aan arday cusub oo ku biiraya la qaabilin.
Madaxweyne William Ruto ayaa sidoo kale sheegay in isbitaalka magaalada Kangema ee ismaamulka Murang’a uu ku wareejin doono 100 milyan oo shilin.