Nin ku eedeysan inuu dil ka gaystay Maraykanka oo xabsi ka baxsaday oo la soo qabtay

0
349

Nin ku eedeysan inuu dil ka gaystay Maraykanka oo xabsi ka baxsaday oo la soo qabtay
Waxaa mar kale gacanta lagu soo dhigay Kevin Kinyanjui Kang’ethe oo 7-dii bishan ka baxsaday saldhigga booliiska ee Muthaiga ee magaalada Nairobi.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in eedeysanaha lagu soo qabtay howlgal ay iska kaashadeen waaxyo kala duwan.
Howlgalka oo ahaa mid ku saleysan xog sirdoon ayaa laga fuliyay tuulada Embulbul ee deegaanka hoose ee Oloolua oo ka tirsan degmada Ngong ee ismaamulka Kajiado.
Laamaha ammaanka oo muddo toddobaad ah raadinayay eedeysanaha, ayaa soo qabtay xilli uu ku sugnaa guriga qof ay qaraabo yihiin.
Taliyaha booliiska ee Nairobi ,Adamson Bungei ayaa xaqiijiyay in eedeysanaha oo xalay gacanta lagu dhigay uu hadda xabsi ku jiro.
Bungei ayaa u mahadceliyay cid kasta oo ka qayb qaadatay ama fududeysay in tuhmanaha baxsadka ahaa la soo xiro isagoo sheegay in maxkamadda la soo taagi doono.
Kang’ethe ayaa ka dib markii la xiray loo soo wareejiyay ismaamulka Nairobi isagoo aad loo ilaalinayay.
Kevin ayaa inta uunan baxsan lagu hayay saldhigga, balse ka dib markii loo oggolaaday inuu la hadlo qareenkiisa oo saldhigga ku booqatay ayay u suurtagashay in uu baxsado waxaana tallaabadaasi markii dambe loo xiray afar sarkaal oo xabsiga ilaalinayay .
Waxaa uu wajahaya dacwad ah inuu dilay gabadh uu xiriir kala dhexeeyay.
Kang’ethe ayaa 31-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore saaxibadiisa, Margaret Mbitu ku dilay gobolka Massachusetts ee Maraykanka .
Maxkamadda Massachusetts ayaa u jartay warqad lagu soo xiraya waxaana 30-kii bishii hore laga qabtay goob lagu caweeyo oo ku taalla deegaanka Westlands ee ismaamulka Nairobi.
Intaasi ka dib waxaa la geeyay maxkamadda iyadoo laamaha ammaanka loo oggolaaday inay xabsiga ku hayaan muddo 30 cishe ah inta laga go’aaminaya in dib loogu celinaya Maraykanka iyo in kale.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Kevin Kinyanjui Kang’ethe uu dafiray jinsiyadiisa Maraykanka ka hor inta uunan wadanka dib ugu soo laaban .
Booliiska gobolka Massachusetts ee Maraykanka ayaa laga soo xigtay in Kang’ethe uu maydka Mbitu uga dhex tagay gaari la dhigay gagida caalamiga ee diyaaradaha ee Logan ka hor inta uunan u soo baxsan Kenya.
Dhawaan ayay ahayd markii agaasimaha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da , Aamiin Maxamad uu sheegay in la xiray labo ruux oo ka mid ah ehellada eedeysanahan oo la xiriirayay intuu uu baxsadka ahaa.